Puntland oo gacanta ku dhigtay Qamri iyo ragii watay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ee ku sugan degmada Badhan ee Gobolka  Sanaag ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal kala sameeyay xaafado ka tirsan degmadaas.

Ciidamada Puntland ayaa howlgalka inta uu socday waxaa ay kusoo qabteen maandooriyaha Qamriga, Bastoolado iyo ragii ka ganacsanaayay qamriga la qabtay.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka la sameeyay uu ahaa mid qorsheysan uuna Ujeedkiisa ahaa mid lagu xaqiijinay amniga.

Sidoo kale Taliyaha ayaa digniin u diray dadka Badhan soo geliya maandooriyaha Qamriga, wuxuuna xusay in sharciga la tiigsan donaan Cid kasta oo Khal khal gelinaysa amniga
Badhan.

Ugu dambey ayaa waxaa uu tilmaamay Taliyaha in howlgalada noocaan oo kale ah ay Ciidamada Puntland sii wadi doonaan, isla markaana lagu doonayo in looga hortego falalka amni darro oo xiliyada qaarkood dhaca.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media