HomeWararPuntland oo gacanta ku dhigtay Nin hubeysan oo Dil ka geystay duleedka...

Puntland oo gacanta ku dhigtay Nin hubeysan oo Dil ka geystay duleedka Garoowe

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda amniga PMPF ee Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa xalay lagu dilay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimaadda Maamulkaas, iyadoona dilkaas uu u geystay Nin hubeysan. Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa ka hadlay dilkii xalay Bootaan Maxamed uu Nin hubeysan ugu geystay degaan lagu magacaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda amniga PMPF ee Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa xalay lagu dilay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimaadda Maamulkaas, iyadoona dilkaas uu u geystay Nin hubeysan.

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa ka hadlay dilkii xalay Bootaan Maxamed uu Nin hubeysan ugu geystay degaan lagu magacaabo Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xiga Magaalada Jowhar.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga Gobolka ay gacanta kusoo dhigeen Ninkii hubeysnaa ee dilay Bootaan Maxamed isaga oo dhaawac ah, kadib howlgalo ay sameeyeen.

Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Aaden inay Ninka ay ku wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta keentay inuu dilkaas geysto, isla markaana uu xiran yahay, sidoo kalena sharciga la horgeeyn doono Ninkaas.

Dilka loo geystay Bootaan Maxamed oo ka tirsanaa Hay’adda amniga PMPF ayaa yimid, kadib markii muran kooban oo aan faah faahin ka bixin uu dhex maray marxuumka iyo Nin hubeysan oo dilka u geystay oo markii hore baxsaday, balse la qabtay isaga oo dhaawc ah.

- Advertisement -

Si kastaba Dilka Marxuum Bootaan ayaa kusoo aaday, iyada oo maalin kahor ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay dileen Haweeney saarneyd Gaari rakaab ah oo soo dhex galay kolonyo galbineysay Madaxweye Saciid Deni.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts