Boosaaso (Puntland) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgallo xooggan oo ay ciidamada amniga maamulka Puntland ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Boosaaso saacadihii lasoo dhaafay.
Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shan qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin ururka Daacish. Hawlgalkan ayaa ka mid ah dadaallada Puntland ee lagu cirib-tirayo argagixisada, iyadoo xogtooda lagu helay kadib markii shacabka magaalada ay soo gudbiyeen macluumaad la xiriira dadkaasi.
Bayaanka kasoo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in shanta qof ee la qabtay ay dhammaantood yihiin Soomaali, waxayna qabashadooda ku timid ka dib markii shacabka magaalada ay xogtooda ciidanka amniga u soo gudbiyeen.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanno dheeraad ah la sameyn doono, si loo ogaado xiriirka dadkaasi iyo ururka Daacish.
Qoraal ka soo baxay ciidamada amniga Puntland ayaa lagu sheegay: “Boosaaso: Laamaha amniga ayaa qabtay shan qof oo lala xiriiriyay Daacish, kuwaas oo shacabku soo gudbiyeen. Xubnahan oo dhammaantood Soomaali ah, waxaa hadda ku socda baaritaan.”
Howlgalkaasi ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Puntland ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka, waxaana la filayaa in baaritaannada la sameyn doono ay fidiyaan xog dheeraad ah oo ku saabsan shanta qof ee la qabtay iyo xiriirkooda dhabta ah ee Daacish.