Puntland oo faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka COVID-19 ee deegaanada Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa ay ku sheetay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 243 ruux, isla markaana laga helay 36 kamid dadkaas.

Dadka laga helay Cudurka ayaa 29 kamid ah yihiin Rag, halka 7 kalena ay dumar yihiin, kuwaasi oo la geliyay xaalad karantiil ah, si aysan xanuunka u faafin, kadib markii laga helay oo lagu ogaaday dhiicaano laga qaaday.

“Baaritaan lagu sameeyay labadii maalmood ee 13, 14 bisha Saddexaad sanadka 2021 waxaa la baaray 243 Ruux, waxaa xanuunka laga helay 36 Ruux. Dadka xanuunka laga helay ayaa kala ah 29 Rag ah iyo 7 dumar ah” ayaa lagu yiri Warbixinta Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shacabka fartay inay taxadarka dheeraad ah muujinayaan, isla markaana la isticmaalo wax kasta oo looga hortegi karo Cudurka, lana joojiyo  dhammaan isugu imaatinada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor