Puntland oo Dowladda Federaalka ku wareejisay Maxaabiis badan oo u xirnaa

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay Maxaabiis badan oo in muddo ah xabsiga Magaalada Garoowe ugu xirnaa Arrimo la xiriiro burcad-badeednimo, kuwaasi oo la xukumay.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa Maxaabiista oo gaareysa 15 Maxabuus ku wareejiyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamuud Nuur Jaamac oo shalay gaaray Garoowe.

Wasiir Cabduqaadir Maxamuud ayaa sheegay in Maxaabiistaan loo soo wareejinayo si loogu soo dhaweeyo deegaanada ay eheladooda ku nool yihiin , iyadoo ujeedku yahay in ehelada u fududaato booqashada Maxaabiista.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Maxaabiistan ay heli jireen xuquuqdooda, isla markaana muuqaal ahaan ay wanaagsan yihiin, waxaana uu xusay in uu ay heli doonaan xuquuqda uu sharciga siinayo.

Maamulka Puntland iyo dowladda Seychelles ayaa dhawaan ka wada hadlay sidii Muqdisho loogu wareejin lahaa Maxaabiista ku xukuman burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga Magaalada Garoowe, kuwaasi oo gaaraya 15 Maxbuus.

Maxaabistan xukuman Arrimo la xiriiro burcad-badeednimada ayaa kasoo jeeda degaannada Galmudug, waxaana munaasabadda lagu wareejinayay goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor