Puntland oo dib u howlgalinaysa  Cisbitaallo iyo ballan qaadyo loo sameeyay shacabka

Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan uuna weheliyaan wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada,wasiirkuxigeenka deegaanka, beeraha iyo isbadalka Cimilada ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Dongoroyo.

Wasiirka waxaa safarkiisa ka mid ahaa agaasimaha guud  iyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, waxaana dhamaantood ay ka qaybgalayeen dib uhawlgalinta wasaaraddu ku samaynaysay cisbitaalka degmada Dongorayo oo Mudo xirnaa.

Waftiga ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Dongoroyo markiiba wasiirka iyo waftigiisa waxay booqdeen cisbitaalka oo wasiirka uu mid mid ugalay qaybaha uu ka koobanyahay, warbixina ka dhagaystay maamulka cisbitaalka baahiyaha jira iyo sidii loogu hawlgalin lahaa sida ugu dhakhsaha badan.

Xaflada kooban oo lagu qabtay hoolka dugsiga degmada ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada waxayna ka warbixiyeen xaalada cisbitaalka iyo baahiyaha ka taagan ee loo baahanyahay in dhakhso loo daboolo, bulshada deegaanka ahaana ay diyaar uyihiin inay qaybtooda ka qataan sidii cisbitaalka unoqon lahaa mid shaqeeya. Odayaasha iyo maamulka degmada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo dawladana ka codsaday inay kaalintooda ka qataan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo wasiirka wasaraadda oo hadalka ukala danbeeyay ayaa bogaadiyay inay munaasibadaan ka soo qaybgalaan waliba ay ku dhanyihiin dhamaan masuuliyiintii wasaaradda maanta ayna iskugu soo raaceen sida ay uga go’antahay dib uga shaqaysiinta Cisbitaalkaan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo hadal ku hormaray  ayaa ugu horayn uga mahadceliyay reer Dongorayo soo dhawayntoodi ay waftiga wasiirka usameeyeen, waxaana uu ka sheekeeyay taariikhda uu soo maray cisbitaalkaan oo uu xusay in la dhisay 2006 ka wasaaradda caafimaad ahaana uga hawlgaleen sidii uu ugu wangsanayd ee ushaqayn lahaa, balse bulshada deegaanka aysan uga shaqayn sidii la doonayay oo dhankooda wixii looga baahnaa ay ka soo bixiyeen taas oo keentay in uu is xiro.

Wasiirka caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo hadalka soo xiray  ayaa ugu horayn soo dhaweeyay inuu maanta ka soo qaybgalo uuna ku faraxsanyahay imaatinka in dib looga shaqeeyo dib uhawlgalinta cisbitaalka degmada, waxaa uu sidoo kale soo dhaweeyey sida bulsho iyo maamul degmo ahaan ay uga go’antahay inay kaalintooda ka qataan cisbitaalka inuu shaqeeyo lana mid noqdo kuwa kuyaala degmooyinka kale ee Puntland.

Wasiirka ayaa balan qaaday in ka wasaaradda caafimaad ahaan diyaar uyihiin inay ka shaqeeyaan sidii cisbitaalka uu uheli lahaa shaqaale dhamaystiran,qalabka iyo dawada looga baahanyahay, waxaa sidoo kale uu bulshada kula dardaarmay inay kaalintooda qataan aana ka wada shaqayno inuusan markale xirmin.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo xiray isaga oo ka ku shaqaynaya qorshihii xukuumada ee  madaxweynaha Puntland Siciid Abdulaahi Dani uu barlamaanka hor geeyay sanadkii hore ay ku jirtay in dawladiisu ka shaqayn doonto sidii dalka looga heli lahaa cisbitaalo qalabaysan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media