Puntland oo daah-furtay wejiga labaad ee tallaalka Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah deegaanadeeda ka bilawday wajiga labaad ee tallaalka loo qaato ka hortega Cudurka halista ah ee COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa Garoowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu Wasiirku dadweynaha Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay uqaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qataan wajiga labaad oo ah kan ugu dabeeya.

Dadweyne fara badan ayaa talaalka maanta ka qaatay Xarumaha talaalka lagu bixinayo, waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan.

Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.

Sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka daahfuray talaalka wajiga labaad Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed, isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan.

Talaalka Cudurka halista COVID-19 ayaa muddo 5 maalmood ah socon doona, iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor