Puntland oo beenisay War laga faafiyey Madaxweyne Saciid Deni

Saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay warar sheegayay in Madasha Badbaado Qaran ay ka tanaasushay qorshaha ay ku dooneyso inay uga mid noqoto heshiis doorashada dalka, iyadoona Qoraalkaas laga soo xirtay Madaxweynaha Puntland.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku beeniyay Qoraalka lagu sheegay inuu kasoo baxay Madaxweyne Deni ee ku aadan in Madasha Badbaado Qaran ay tanaasul ka sameeysay inay kamid noqoto heshiiska doorashada.

Waxaa uu sheegay Jaamac Dabaraani in Qoraalka lagu faafiyay baraha Bulshada looga been abuuray Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isla markaana Qoraalkaas lagu sameeyay habka Online-ka ah.

“Wax la eryo been baa u gaabisa ! Ciwaanka saxda ah ee Madaxweynaha waakan H.E Said Abdullahi Deni sawirkana waa mid lagu been abuuray habka Online-ka ah” ayuu yiri Afhayeen Dabaraani.

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa siweyn uga soo horjeeda qorshaha dowladda ku dooneyso inay ku qabato doorashada, waxaana Madasha ay sheegtay inay dalka badbaadineyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor