Puntland: Gabar Askariyad ah oo baareysay kiis kufsi ah oo la xiray

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Gabar Askariyad ah oo ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ku xiray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in gabadha la xiray oo lagu magacaabo Deggan Maxamed ay gacanta ku heysay kiis kufsi ah oo ay ku eedeysan yihiin rag gaaraya ilaa iyo 9 Nin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamay in gabadho Wariyeyaal oo ku sugan Garoowe oo xabsiga ku booqday Deggan Maxamed ay sheegeen in Deggan Jidkeeda ay ka muuqdeen Jir-dil loo geystay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in kiiska ay gacanta ku heysay Deggan ee kufsiga ah uu ka dhacay deegaan ka tirsan Puntland, isla markaana loo geystay gabar, sida la sheegay.

Ilaa iyo hadda Taliska Ciidabka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa wax war ah kasoo saarin xariga loo geystay Deggan Maxamed oo aheyd Askariyad ka tirsan laanta dambi baarista Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor