Puntland: Arday u fariisan lahaa Imtixaanka shahaadiga oo laga helay COVID-19

Hal arday ayaa laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kaasi oo kamid ahaa ardayda Maanta oo sabti ah u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in saakay Ardayda lagu sameeynayay baaritaano kahor inta aysan u fariisan Imtixaanka shahaadiga, hayeeshee laga helay mid kamid ah Ardayda Cudurka.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa tilmaamtay in halka Arday ee laga helay Cudurka dib loogu dhigay Imtixaanka kaligiisna uu todobaadyada soo socda geli doono.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.

Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa saakay waday shaqo ah  la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media