Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay dhowr nin oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa weerareen Dhismaha Maxkmaad ku taalla Degmadda Jarsada ee W/galbeed ee dalkaasi.
Afhayeen u hadlay Maleeshiyadda Jamaacatul-axraar ee Daalibaanta Pakistan, Asad Mansuur ayaa sheegay inay Kooxdiisa ka dambeysay Qaraxaasi, iyadoo Mas’uul u hadlay Maamulka Degmadaasi sheegay inay ugu yaraan 4 qof ku geeriyootay qaraxaasi.
Wuxuuna intaasi ku daray inay Qaraxyadaasi farriin u tahay Suxufiyiinta, waa sida uu hadalka u dhigay.
Goobjooge ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inuu arkay maydad badan ku arkay gudaha Maxkamadda la isku qarxiyey.
Taliyaha Boliska Degmaddfa Jarasada, Sohayl Khaalid ayaa sheegay in ugu yaraan hal dagaalyahan Is-qarxiyey, halka mid kalena uu rasaas ku furay albaabka laga soo galo Maxkamadda, ka hor inta aan Toogasho lagu dilin.
©Radio Dalsan