|

Guddiga Dib U Heshiisiinta oo Ku Baaqay in La Joojiyo Dagaalada ka Jira Goboladda Dalka

Warar · Dalsan Editor · February 19, 2015

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa ugu baaqay dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya Goboladda Dalka Soomaaliya iney joojiyaan Dagaaladda oo ay gaaraan Xal keeni kara Nabad iyo Xasilooni.

Gudoomiyaha Guddigasi Ismaaciil Macalin Muuse ayaa sheegay in dadka Soomaalida imminka looga baahan yahay iney ka shaqeeyaan Nabada halkii ay ku mashquuli lahaayeen Dagaal iyo Xasilooni darro.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Sanadkii hore ay guul fiican ka sameeyeen dhex dhexaadinta Beelo kuwa dagaalamay Goboladda Hiiraan iyo Shabeelada Hoose.

Dalka Soomaaliya weli waxa ka dhaca Dagaalo u dhexeeya maleeshiyo beeleed colaad ay ka dhaxeyso.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.