Sannadkii 2022, kaamka barakacayaasha ee Hilaac Wanaag ee ku yaala garasbaleey duleedkaMugdishu , waxaa laga billaabay hindise ay dad barakacayaal ah ay si iskaa- wax-u-qabso ah ugumidoobeen si ay xal ugu helaan dhibaatooyin deegaan oo ay sanado badan la tacaalayeen. Ujeeddadu waxay ahayd mid cad: in la helo dhul rasmi ah oo qoys walba uu leeyahaymilkiyadiisa. Iskashigan maaliyadeed oo loo yaqaano ayuuto waa nidaam dhaqameed dhaqaalaysi ah oo ka jirabulshada Soomaaliyeed. Waa nooc hanaan ay xubno ka mid ah bulshada ku midoobaan si ay lacag isugu darsadaan bil ahaan. Bishiiba, qof walba wuu bixiyaa cadad go’an, kadibna hal qofayaa helaya lacagtaas dhan. Wareegyo badan ka dib, qof walba ayaa helaya fursad uu lacagtaasku qaato. Waa nidaam lagu dhiso is-aamin, isla markaana ah qaab bulsheed lagu xalliyobaahiyaha maaliyadeed ee degdegga ah. Qoysaskan oo ay soo sal kiciyeen colaadaha, abaaraha iyo qalalaasaha isbedelka cimilada ayaawaxa ay barakac ahaayeen muddo 7 sano iyo ka badan . Intooda badani waxay muddo dheer kusugnaayeen nolol ku-meelgaar ah, iyaga oo hadba meel u guuraya mar kasta oo laga rarodegaankooda. Qoysaskan oo gaaraya 103, waxay si wadajir ah u garwaaqsadeen in mar walba oo ay meeldagaan la barakiciyo, maadaama dhulku uu leeyahay milkiile gaar ah. Waxaa la arkay in barakaca joogtada ah uu sababayo xasillooni darro nololeed, taas oo saamaysay caruurta, haweenka, iyo guud ahaan bulshada barakacayaasha ah. Barakacayaashu maadaama aysan markii hore haysanin heshiis sharci ah oo ay ku sii joogaan, ayaa waxa ay horseedaysay in marar badan lagu wargeliyo in...
Istanbul, Turkey – In a significant diplomatic engagement aimed at strengthening military-industrial cooperation, Somalia’s Minister of Defense, Ahmed Moalim Fiqi, met...
Mogadishu, Somalia – The Federal Government of Somalia has formally welcomed the “historic and principled” declaration by French President Emmanuel Macron to recognize...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyagoo ansixiyay heshiis muhiim ah oo socdaalka la xiriira...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada, kaas oo...
Radio Station
Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.
© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.
© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.