|

Dagaalka Yemen oo Saameeyay Duulimaadyada Soomaaliya

Warar · Dalsan Editor · March 27, 2015

Iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka ee Sacuudiga iyo dalalka Isbahaysiga xalay  bilaabeen weeraro ka dhan ah Dagaalyahannadda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ayaa waxay saamayn ku yeesheen Duullimaadyaddii Shirkadaha Diyaaradaha ee Daallo iyo Jubba ee ay ku tegi lahaayeen dalalka Sacuudiga iyo Yemen.

Saraakiil ka tirsan Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Hargeysa ayaa sheegay in hakad la geliyey Duullimaadkii Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo, kadib, markii ay soo baxeen wararka sheegayo inay Milliteriga Sacuudiga bilaabeen Hawlgalka Duqeynta ee ka dhanka ah Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Sidoo kale, Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa maanta hakisay duullimaadkii ay ku tegi lahayd magaallaadda Jidda ee dalka Sacuudiga, kadib, markii la xayiray inay Diyaaradaha Rakaabka adeegsadaan Hawada dalka Yemen.a

Dhinaca kale, Hawlgalka Sacuudiga waxa uu saamayn ku yeeshay Duullimaadyadda Diyaaradaha Ganacsiga ee tegi jiray qeybo ka tirsan dalka Sacuudiga.

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.