Oxygeen la’aan ka jirta maamul Goboleed iyo Dad ugu dhintay COVID-19

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdirixmaan Cali diiriye Isxal oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la’aan baahsan oo ka jirta gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ka deyriyey xaalada cafimaad ee bulshada ku dhaqan gobolka oo uu sheegay in aysan heli Karin Oxygeen ku filan , inkastoo uu xusay inay jiraan isbitaalo yaryar oo isku dayaya in ay la tacaalaan xaalada Covid-19 ee ka jirta Gobolka.

Sidoo kale Cali Diiriye ayaa xusay in qeybo badan oo gobolka ah ay ka taagantahay xaalad abaareed oo baahsan , waxaana uu u xusay in ay wadaan dadaalo ayaga oo kaashanayo shacabka , isla markaana ay meelaha qaar ka sameynayaan biyo dhaamin.

Cudurka Covid-19 oo ah cudur si deg deg ah ku faafo ayaa dhibaato lixaad leh ku haayo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada dalka iyo Magaalda Caasimadda ah ee Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor