Orod-yahanka Mo Farah oo dhac xooggan loogu geeystay dalka Itoobiya

Orod-yahanka Calaamiga ee Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa Tababar Laylin Orod.

Mo Farah oo ah Somali-british caan ku ah Orodada Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Mobayl iyo Sacaad Qiimo weyn leh oo ay xaaskiisa haddiyad ahaan u siisay.

Waxa uu xusay in dhaca loo geystay Shandadiisa taallay Qolka uu ka degganaa Hotelka ay ahayd bishii March ee la soo dhafaay 23-da, xilli uu ku maqnaa Tababar dhinaac Orodka.

Dhinaca kale, Mo Farah waxa uu cambaareeyey Orod-yahanka Ethiopian-ka, Haile Gebreselassie oo ay isla degganaayeen Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ku guul-daraystay  inuu isaga caawiyo, kadib, markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ay Ethiopian leeyihiin.

Mo Fraah waxa uu tilmaamay inuu taageero kooban ka helay Shaqaalaha Hoteelka, wuxuuna xusay inuusan Haile Gebreselassie marnaba ka taageerin dhaca loo geystay.

Dhinaca kale, mar lala xiriiray Milkiilayaasha Hotelka lagu dhacay Mo Fraah waxay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan Telefoonadooda, si wax looga weydiiyo falka lagu dhacay mid ka mid ah Macaamiisha Hoteelkooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media