Odayaasha dhaqanka oo Dalab u diray Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ahna Madaxweynhii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka ee halkaas kunool.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhammaadka sanadkaan ee 2020/2021.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in Odayaasha dhaqanka looga baahan inay si cadaalad ah uga qeyb qaatan doorashada dalka, isla markaana soo xulaan Xildhibaano ka qeyb qaata sidii loo horumarin lahaa dowladnimadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Odayaasha ayaa Shariif u gudbiyay warqad ku socota Musharaxiinta xilka Madaxweynaha, taas oo ku aadan sidii ay dhici lahed Doorasho nabad ah ugana qeyb qaadan lahaayeen si xasilooni ah, iyagoona Shariifka uga mahadceliyay booqashadiisa.

Waxaa kaloo Odayaasha dhaqanka ay Musharaxiinta uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore ee dalka kula dardaar-meen inay noqdaan kuwo isku haaya siyaasadda dalka Soomaaliya oo xiligaan meel adeg mareysa.

Kulanka uu Sheekh Shariif la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wehlinaayay Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media