Odawaa Yuusuf Raage taliyihii Millateriga Soomaaliya ayaa Xilkii laga qaaday, waxaana isla manta la magaacay Taliye Cusub oo bedelaya Odawaa, oo afartii sano ee lasoo dhaafay hayay Xilka.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.
Waxaana Odawaa uu Xilkaan tan 2019 kii, waxaana magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.