Warbixin cusub oo kasoo baxday hey’adda isku dubida arrimaha Bina’aadanimada Qaramada Midoobey ee OCHA, ayaa lagu sheegay in Xaaladda sugnaanta cuntada ee lix waddan oo ku yaalla bariga Africa, laga soo bilaabo bishii January ilaa bishii November sanadkii 2014 ay hoos u dhacday qiyaastii 1 milyan.
Warbixin ka soo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ( UN OCHA) ee geeska Africa ayaa lagu sheegay in tirada dadka cunto yarida ee Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan iyo South Sudan ay hoos u dhacday 12.4 million oo qof bishii November ee sanadkii 2014 ilaa 11.4 million oo qof bishii January.
“Roobab wanaagsan oo ay heleen wadamada geeska Afrika, ayaa sababay in ay sare u kacdo ammaanka cuntada guud ahaan gobolka, ayadoo la saadaaliyey in roobab wanaagsan ay ka da’i doonaan waqooyi-bari Kenya iyo koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ay soo wajahday xaalado qalalan,” sida warbixinta Hey’adda UN OCHA ku xusan .
Sidoo kale Hay’adda samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiradan laga yaabo in ay isbadeli doonto.
Sida laga soo xigtay warbixinta, xaaladda sugnaanta cuntada waxa la filayaa in ay ka dartay laga soo bilaabo bishii April taasoo loo sababeybanayo helidda cuntada oo liidatay, waxsoo saarka oo liitay iyo colaado ka taagnaa wadamada gobolka qaar.