Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood oo sida hay’addu sheegtay AS u qaabilsanaa qeybta sahanka.
Qoraal kasoo baxay Sirdoonka dalka ayaa lagu sheegay in la hayay xogta xubnaha, isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay beegsadaan AS.
Labada shaqsi ee la qabtay ayaa lagu sheegay magacyadooda Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo AS u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay Falal ka fuliyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa, sida NISA sheegtay.
NISA ayaa Qoraalkeeda ku sheegtay Xubnaha la qabtay ay qirteen fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo AS ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah.