NISA oo sheegtay inay howlgal qorsheysan ku qabatay xubin ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada NISA ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey xaafadda Mukaya ee degmada Afgooye, waxaana Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraal kooban oo NISA soo saartay ayey ku sheegtay in howlgalka ka dhacay Mukaya Afgooye lagu soo qabtay Nin magaciisa lagu sheegay Macallin Xaashi  oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaano hoostega degmadaas, waa sida hadalka loo dhigay.

“Hawlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa oo ay Ciidamada hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka fuliyeen Mukaya oo ka tirsan degmada Afgooye ayey kusoo qabteen Macallin Xaashi Xubi oo deegaanadaas u qaabilsanaa Alshabaab” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA oo sidoo kale soo bandhigtay Qori AK-47.

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeynayey Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, iyagoona kusoo qab-qabtay xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo kooxo burcad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor