NISA oo sheegtay in xilka qaadis lagu sameeyay laba kamid ah Madaxda Al-shabaab

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xalay ayaa sheegay in xilka qaadis lagu sameeyay Laba Sarkaal oo ka tirsan hogaanka Golaha fulinta dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Amiirka Guud ee Al-shabaab ee Axmed Diiriye uu Golaha fulinta Al-shabaab ka saaray Mahad Karataay iyo Bashir Qorgaab oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee hogaanka Shabaab.

Sababta Saraakiishaas Golaha fulinta looga saaray ayaa hay’adda NISA waxaa ay ku sheegtay inay tahay, kadib markii Al-shabaab ay ka dalbadeen joojinta Qaraxyada shacabka lagula beegsanayo Magaalada Muqdisho.

“Axmed Diiriye, Amiirka Al-Shabaab ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay.

Si kastaba dad badan ayaa rumeysan in labadan Sarkaal ay yihiin kuwo awood badan ku leh hogaanka sare ee dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana Mareykanka uu kal hore Madaxooda uu dul-dhigay shan Milyan oo Dollar, sidoo kalena uu ku daray liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media