NISA oo shaacisay inay qabatay Nin ku howlanaa fulinta..

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in howlgal la sameeyay gacanta lagu dhigay Nin maleegayay qaraxyo uu ka fuliyo Magalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay Ex-koontorool,waxaana la sheegay inuu dihaarinayay qaraxyo,isla markaana uu ka tirsanaa Al-Shabaab,sida lagu qoray barta twitter-ka ee Hay’adda NISA

Ciidanada Amaanka, xalay howlgal ay ka fuliyeen nawaaxiga X-koontarool, ayay kusoo qabtay shaqsi ee Al-Shabaab ah oo maleegayay qarax uu shacab badan ku haligo. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga u taagan gumaadka shacabkeena.

NISA ma shaacin Magaca Shaqsiga la soo qabtay,waxayna sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay aysan cid waxba ku noqon sidii loogu talo galayna uu u dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media