NISA oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in howlgal la sameeyay Gacanta lagu dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka Hayd’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon lagu qabtay Nin ka tirsan Al-Shabaab oo maleegayay qaraxyo sida hadalka loo dhigay.

“Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Alshabab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan ayaa lagu yiri waka ka soo baxay NISA.

NISA mashaacin Magaca Shaqsiga ay sheegtay inay qabatay iyo halka uu ka dhacay howlgalka lagu qabtay Ninkaas.

Si kastaba NISA ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay shaacineysay in howlgallo ay sameeyeen ay ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor