NISA oo shaacisay in howlgal ku qabteen waxyaabaha qarxa oo la diyaariyay

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkii xalay laga sameeyay degmada Awdheegle lagu soo qabtay qaraxyo ay diyaarinayeen Al-Shabaab oo ay doonayeen inay Shacbaka ku dhibaateeyaan.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa,hayeeshee NISA mashaacin in dad lagu soo qabtay howlgalkaas

Marka laga soo tago warka ka soo baxay NISA ayaa Al-Shabaab warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay fashiliyeen Weerar ay Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ku qaadeen degmada awdheegle ee G/Shabeellaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor