Ciidanka amniga dowladda oo howlgal ka sameeyay duleedka Magaalada Muqdisho dhawaan ayaa waxaa ay kusoo qabteen laba ruux oo ka tirsanaa Al-shabaab iyo Hubkii ay wateen,waxaana qeyb ka ahaa labo kale Ruux oo shaqaale ka ah Shirkad ganacsi.
War qoraal ah oo lagu daabacay Barta Tweet-ka Hay’adda nabadsugida iyo Sardoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Amniga ay soo qabteen shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi.
Sidoo kale NISA ayaa tilmaamtay in Ninkaas lagu tuhunsan yahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro ka waday Magaalada Muqdisho.
“Sida aan kusoo gudbinay “Tweet” kii hore ee(11/7/2019), ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho”ayuu lagu yiri Warka NISA.
NISA ma shaacin magaca shaqsiga iyo Shirkada Ganacsi ee uu u shaqeeynayay,kaasi oo Ciidanka amniga kusoo qabteen Howlgal ay sameeyeen.