NISA Jubbaland oo soo Bandhigtay Qaraxyo ay gacanta ku dhigtay

Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka NISA ee Jubbaland ayaa soo Bandhigay Bambooyin nooca gacanta laga tuuro ah, kuwaasi oo ay sheegeen in lagu qabiyay goob ku taalla deegaanka Istanbuul oo qiyaastii 18-KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.

“Howlgalkan ayey ciidanku qaadeen kadib markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen in walxahan qarxa Al-shabaab ay qorsheeyeen, ayna goob ku qarsadeen Bambooyinkaan halista ah, si shacabka loogu dhibaateeyo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska NISA.

Saraakiisha ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay ula shaqeeyaan ciidanka, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, maadaama xiliyada qaarkood ay dhici karaan falal amni darro.

“Ciidanka kala duwan Jubbaland ayaa kordhiyey howlgalada ay ku fashilinayaan weerarada ka dhan ah Al-shabaab, waxayna saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen dadka looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka NISA Jubbaland.

Si kastaba Qarax Ismiidaamin ah oo uu ku geeriyooday Guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland iyo dad kale ayaa shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media