Ninkii ugu cayilka badnaa dalka Britain oo geeriyooday (Sawirro)

Ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Carl Thompson ayaa la sheegay inuu maanta geeriyooday, kadib, markii uu in ka badan hal sanno uu  saarnaa sarriirtiisa.

Carl Thompson oo 33 jir ahaa ayaa la sheegay in maydkiisa laga helay gudaha q dhismo uu ka degganaa Dover, Kent.

Saraakiisha Boliska, dab-damiska iyo Adeegga Ambalaasyadda ayaana gaaray halkii uu ku geriyooday, waxayna ku qaadatay muddo dhowr saacadood sidii ay u soo bixin lahaayeen maydka.

Carl Thompson waxa uu horraantii sannadkan ka soo muuqday Telefishinka ITV, wuxuuna codsaday in laga kaalmeeyo sidii uu u dhimi lahaa miisaakiisa, iyadoo sariir-yaal ahaa wax ka badan ka sanno.

Miisaankiisa ayaa la sheegay inuu aad u kordhay saddexdii sanno ee ugu dambaysay.

Carl Thompson waxa uu ahaa Iskaabulo keligiisa nool, muddo 10-sanno  ma lahayn  gabar uu saaxiib la ahaa.

Waxa  shaqo ugu dambeysay isagoo 17-jir oo uu ka shaqeeyey Wershad lagu farsameeyo  cuntooyinka.

Hooyadiisa waxay sannadkii 2012-kii u geeriyootay xanuun dhinaca Maskaxda.

fat 000 fat 2 fat 3 fat 4

Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor