Nin u dhashay UK oo lagu dhaawacay Xabsiga dhexe ee Xamar

Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku xiran Anthony Thomas oo ah Nin Ajaanib u dhashay Ingiriiska,kaasi ayaa la sheegay in xalay lagu dhex weeraray gudaha Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Anthony Thomas ayaa weerar loo adeegsaday Sakiin waxaa ku qaaday Laba ruux oo ka tirsan Ururka Daacish,kuwaasi oo ku xiran Xabsiga dhexe,isla markaana ku eedeysan falal amni daro.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in Anthony Thomas uu soo gaaray dhaawac fudud xaaladiisa Caafimaad ee wanaagsan tahay.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska,kaasi oo loo heysto isku day Qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka ayaa Taariikhdu markii ay aheyd 19-kii Bishaan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ku qabteen Antony Thomas, isla markaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D.

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media