Nin Maraykan ah oo Xabsi 30-sanno ah ku muteystay Masjid uu gubay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Joseph Schreiber oo 32-jir ayaa qirtay inuu galay Dembiga lagu soo oogay, waxaana lagu xukumay Xabsi 30-sanno ah.

Khasaaraha uu geystay Dabka la qabadsiiyey Masjidka iyo Markazka Islaamka ayaa lagu qiyaasay in ka badan 100,000 oo Dollar.

Ninkaasi ayaa gubay Masjidka wax yar kadib, markii uu nin Muslim ah oo la oran jirey Cumar Matiin uu  toogasho  ka geystay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla Gobalka Orlanda, oo ay 49 qof ku geeriyootay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media