HomeWararNin Somali xanuunsan oo laga soo masaafurin lahaa Kanada oo la dhigay...

Nin Somali xanuunsan oo laga soo masaafurin lahaa Kanada oo la dhigay Isbitaal.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

C/kariim Geelle oo dhimirka ka xanuunsan ayaa loo gudbiyey Isbitaalka Alberta Hospital, kadib, markii uu muddo 10 bilood xukun la’aan loogu hayey Xarun ay leedahay Waaxda Socdaalka ee dalkaasi.

Hooyadiisa Asiili ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay wiilkeeda ku booqato Isbitaalka, waxayna u mahadcelisay Dadkii u doodayey Wiilkeeda.

Hooyadda waxay tilmaamtay inay yara nafistay, balse ay ka walaacsan tahay in loo gudbiyo Isbitaal kale oo ku yaalla magaalladda Quebec.

Qareenadda u doodayey Abdikarim Gelle waxay Maamulayaasha ku booriyey in hubaal laga dhigo si uu u helo baahida caafimaadka ee xanuunkiisa Dhimirka.

Xabiibo Cabdulle oo ah Qareenka Ninkaasi ayaa sheegtay inuu War wanaagsan yahay in laga soo saaray Xabsiga, waxayna intaasi raacisay inay muhiim tahay inuu joogo meel kontorool leh oo lagu siinayo Taageeradda uu u baahan yahay ee dhinaca caafimaadka

Abdikarim Gelle oo 31 jir ah ayaa la xiray, kadib, markii uu soo dhamaystay Xukunkiisii ugu dambeeyey, waxayna Maamulayaasha Federalka Kanada garwaaqsan yihiin in haddii la sii daayo uu khatar ku yahay Bulshadda.

hospitalWaxa horey loogu diiwaan geliyey Dembiilenimo inuu hub gaystay, kufsi iyo inuu dhibaateeyey Sarkaal.

Dhinaca kale, Qorshihii ay Dowladda Kanada ku  soo masaafurin lahaayeen Dhibanahaasi ayaa weli taagan, inkastoo ay Saraakiishu sheegeen inay dhibaato kala kulmaan iyadoo  Dowladda Federalka Somalia diiday in dadka Dhimirka ka xanuunsan la soo masaafuriyo.

Saraakiisha Socdaalka ee dalka Kanada ayaa ka gaabsaday  haddii masaafurinta laga noqon doono, haddii ay  Xaalladiisa Caafimaad soo hagaagto, balse waxay rajeynayaan inay Abdikarim Gelle u masaafurin doonaan Somalia.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories