Nin Somali-Maraykan ku eedeysan inuu ku biiri lahaa Daacish oo mar kale la soo maxkamadeeyey

Abdirahman Yasin Daud oo ka mid ah Lixda Eedeysane ee loo qabtay iyagoo doonayey inay ku biiraan Kooxda Daacish ayaa la soo taagay Maxkamadda magaalladda San Diego.

Ninkaasi oo 2-jir ah ayaa dib loogu celinayaa Gobalka Minnesota, si halkaasi looga sii wado dacwadiisa.

Eedeysanaha kama hadlin in dib loogu celiyo Minnesota iyo amarka Maxkmaadda.

Dhinaca kale, Mohamed Abdihamid Farah oo ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa shalay oggolaaday go’aan ay Maxkamadda ku amartay in dib loogu celiyo Gobalka Minnesota.

Abdirahman Yasin Daud iyo Mohamed Abdihamid Farah  oo ku noolaa Gobalka Minnesota ayaa la sheegay inay qorsheynayeen si ay u helaan  Baasaboor la been abuuray oo ay ku galaan dalka Meksiko, si ay uga sii gudbaan dalka Syria.

Labada Eedeysane ayaa la sheegay inay FBI-da qabteen bishii la soo dhaafay ee April 19-da. Kadib, markii nin Somali  la shaqeeya FBI-da uu akhbaartooda u gudbiyey Hay’addaha Ammaanka Federalka.

Sidoo kale, Maxkamadaha Federalka ayaa la filayaa inay amar noocaasi ah ku soo rogaan Afar Eedeysane oo ka mid ah lixda Eedeysane ee ay Hay’adaha Ammaanka xireen.

Eedeysanayaashaasi oo Somali-Maraykan wada ah ayaa la sheegay inay saaxiibo yihiin, iyadoo lagu soo oogay inay doonayeen inay ku biiraan, qalabna u diraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor