Nin Maraykan oo lagu soo oogay inuu ku biiri lahaa Alshabaab oo la sheegay inuu dhimirka la’ yahay

Trevor Mulindwa oo 20-jir ah ayaa bishan May 21-dii la soo taagay Maxkamad, isagoo lagu eedeynayo inuu qorsheynayey inuu ku biiro Dagaalamayaasha Alshabaab.

Aabaha dhalay ninkaasi oo shir jaraa’id ku qabtay hoygooda oo ku yaalla Degmadda Mitjaam ayaa sheegay inuu wiilkiisa muddo dheer xanuunsanaa, isla markaana uu Isbitaalka ku jiray ku-dhawaad labo sanno.

Aabaha waxa uu intaasi ku daray inay Boliska la socdaan Warbixinta wiilkiisa oo uu tilmaamay inuu dhimirka la’ yahay, laguna hayn jirey Isbitaalka Springfield Hospital oo ku yaalla Degmadda Tooting.

Eedeysanaha Trevor Mulindwa oo deggan Deegaanka Hallowell Close ayaa la filayaa in mar kale Maxkamadda la soo taago bisha soo socota ee June 5-da.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor