Nin lagu tuhunsan yahay dilka Xaaskiisa oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Mareykanka

C/casiis Keerow oo 45 jir ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda City Heights ee magaalladda San diego ee Gobalka California ee dalkaasi.  Eedeysnaaha waxaa lagu so ooogay dilkii Xaaskiisa, Marxuumad Muna Salaad Kuri oo 35 jir ahayd, taasi oo maydkeeda laga helay Dhismihii ay wada deganaayeen bishii la soo dhaafay ee Maarso 2-dii .

Maxkamaddu waxay Eedeysanaha dul dhigtay lacag damiin ah oo dhan 5 million oo Dollar, si loo sii daayo, inta ay Maxkamadda dib u dhegeysan doonto dacwaddiisa bishan April 12-dii.  Boliska dalka Maraykanka waxay Eedeysanaha oo baxsad ah ka soo qabteen dalka Panama bishii la soo dhaafay ee March 20-da.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media