Nin ku eedeysan inuu dilay Muwaadin Soomaliyeed oo la soo taagay Maxkamad ku taalla London

Boliska magaalladda London ayaa sheegay in Wiil Somali oo 17 jir ah shalay la soo taagay MaxkamaddaHighbury Corner Magistrates’ Court ee magaalladda London, kaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Maxamed Xersi, kaasi oo 40-jir ahaa.

Eedeysanaha waxaa la sheegay inuu u sii xirnaan doono Boliska, si ay u dhamaystiraan baaritaanka Kiiska dilka ee loo haysto.

Wargeyska The Sun ayaa qoray in Eedeysanaha uu bishan Decmeber 5-da ka soo hor muuqan doono Maxkamadda Old Bailey oo ku taalla Bartamaha London.

Dhinaca kale, Marxuumka la dilay waxa uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo lagu dhuftay bishii hore ee November 28-dii, isagoo ku sugnaa miiska lagu ciyaaro Bilyaardiga oo ku taalla Waqooyiga London.

Marxuumka ayaa la sheegay in Kursi Bir ah madaxa looga dhuftay, ka hor inta uusan dhulka kicin, wuxuuan u geeriyooday dhaawacaasi.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu dhawaan ka ruqseystay Shaqo Hotel, si uu u xanaaneeyo Aabihiisa oo da’ ah.

Allaah U Naxariistee Marxuumka waxa uu ifka kaga tegay Xaas iyo 4 carruur oo ay da’doodu u dhexeyso 5 jir ilaa 11-jir

Xaaskiisa oo lagu magacaabo Barliin Cali oo 40-jir ah ayaa u sheegtay Wargeyska Tte Evening Standard waxay sheegtay inuu ahaa Aabe iyo Say Wanaagsan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media