Nin ka tirsanaa Dariiqadda Suufiyadda oo lagu daldalay dalka Iiraan

Ninkaasi oo la oran jirey Maxamed Salas ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto la daldalay, sida lagu xaqiijiyey Websaytka Garsoorka dalkaasi.

Eedeysanaha oo 51-jir ahaa waxa uu horey u sheegay inuu si kama’ ah gaariga ku jiirsiiyey Askartaasi, xilli uu ka cararayey Dibadbaxyo rabshado watay oo u dhexeeyey Boliska iyo Taageerayaasha Hoggaamiyaha ka soo jeeda dadka haysta Dariiqadda Suufiyadda ee dalkaasi, Nuuraali Tabandeh.

Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty ee Xuquuqda Aadanaha waxay maanta soo saartay qoraal ay ku muujisay inay ka naxeen, kana tiiraanyeysan yihiin dilka Marxuumkaasi.

Hay’adda waxay kaloo sheegtay inay ka walaacsan yihiin xukunkiisa oo aan si Xaq ah ku dhicin.

Dadka ku nool Iiraan waxay badankooda yihiin Shiico,kuwaasi oo ay ku dhex nool yihiin  dadka Sunniyiinta, gaar ahaan kuwa Dariiqadda Suufiyadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media