Muwaadin u dhashay dalka New Zealand oo ka mid ah Kooxda Naasiga Cusub ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Chrischurch ee dalkaasi oo ah magaalladdii Jimcihii hore lagu xasuuqay dad Muslimiin ah oo ku cibaadaysanayey 2 Majid oo ku yaalla isla magaalladaasi.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Philip Arps oo 44-jir ah waxa lagu soo oogay 2 Fal-dembiyeed oo ku aadan isagoo baraha Bulsshadda ku faafiyey Muuqaalkii Video-ga ee uu Gacan-ku-dhiiglihii weerarka ka geystay Masjidka Al-nuur ee dalkaasi.
Eedeysanaha waxa uu labad dembi ee lagu soo oogay muteysan karaa xukun ugu badnaan 14-sanno oo Xabsi ah.
Garsooraha Maxkamadda waxa uu racfaan ka diiday Eedeysanahaasi ay madax-martay Cunsuriyadda, waxaana la amray in Xabsiga lagu sii hayo ilaa bisha April oo uu mar kale ka soo muuqan doono Maxkamadda.
Dhinaca kale, Eedeysannaha Philip Arps oo leh Shirkad daabacaad waxa uu horey uga soo muuqday Muuqaal Video oo sannadkii 2016-kii madaxyo Doofaar ama Qaansiir oo la soo dhigay isla Masjidka Al-nuur ee Jimcihii hore weerarka lala beegsaday.