Nin Haweeneey Xaamilo ah ku kufsaday deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud oo gacanta lagu dhigay

Wararka ka imaanaya degmada Balan-bal;e ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka eek u sugan degmada in ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in uu kufsaday Haweeneey Xaamilo ah.

Ciidamada xoogga ayaa waxaa ay howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Baak ee hoostaga degmada Balanbale in ay ku soo qabteen Ninkaas oo Haweeney uur leh ku kufsaday deegaankaasi.

Ninkaan ayaa lagu xiray saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud,iyaga oo saraakiisha ciidanku ay sheegeen in cadaaladda lasoo taagi doono.

Falkaan kufsiga ah ayaa la sheegay in uu yahaya kii ugu horeeyay eek a dhaca deegaanka Baak ee hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud,iyada oo markii ay dhacdadaan dhacday ay dadku aad uga argagaxeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media