Nin dilay Gabar uu kala dhexeeyey xiriir Jaceyl iyo Taliska Booliska oo ka hadlay

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Gabar dhalinyaro ah oo maalmo kahor lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas.

Afhayeenka Ciidanka Booliska G/sare Faysal Xiis Cilmi  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gabadha lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafadda xero Digaagta ee Hargeysa, uuna falkaas ka dambeeyay Nin lagu magacaabo Nuur Axmed Ismaaciil.

Waxa oo uu sheegay Afhayeenka in Nuur Axmed uu gabadha u dilay arrimo la xiriira Jaceyl  ama haasaawe kala dhexeeyay, kadib markii Marxuumada uu dhowr jeer wacay fariimana u diray, ayna telefoonka ka qaban weyday, kadibna uu carooday.

Intaas kadib ayuu Nuur gabadha ugu tegay Guri ay ku sugneyd, isla markaana uu Madaxda laba jeer ugu dhufatay Maqar/ Baangad uu watay, iyagoona isla goobta ku geeriyootay Gabadha oo aad u dhiig baxday.

Afhayeen Faysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in falka kadib laamaha amniga ay sameeyeen howlgal ballaaran, isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen Nuur Axmed Ismaaciil iyo Baangadii uu dilka ku geystay, haatana uu xiran yahay.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa uu sheegay Nuur Axmed Ismaaciil loo gudbin doono Maxkamadda, si sharciga loo marsiiyo, maadaama uu si cad u dilay Gabadha oo lagu magacaabi jiray Nateexo Ismaaciil Aadan 25 jir aheyd, isagoona qirtay inuu ka dambeeyay falkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media