Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo barqanimadii Maanta Nin watay gaari nooca raaxada ah ku dilay Isgoyska Carwo Itko, degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilka loo geystay Darawalka uu ka dambeeyay, kadib muran kooban oo soo kala dhexmaray Askariga iyo Ninka, waxaana Askariga uu isku dayay shaqaale uu darawalka ku waday gaarigiisa inuu teleefoono ka qaato, balse uu Darawalka ka diiday arrintaas, sidaasina lagu dilay.
Marxuumka la dilay ayaa dad yaqaanay waxaa ay magaciisa ku sheegeen Ismaan Nuur Geedi, waxaana halka uu falku ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday Askariga ka tirsan dowladda Federaalka ee falkaas ka dhacayay.
Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka SOomaaliya ayaa tegay goobta uu dilku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka, lana aaday dhinaca Xarunta CID-da.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa horey sidaan oo kale Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu dileen dad shacab ah iyo Darawalo gaadiidley ahaa, kadib murano kooban oo dhinacyada soo kala dhexgalay.