Nin codsigiisii magangelyo doonka loo diiday oo baadari ku dilay Faransiiska

Wararka ka imanaya Faransiiska ayaa sheegaya in maydka baadari kaatoli ah laga helay tuulada Saint-Laurent-sur-Sèvre ee dalka Faransiiska. Ninka la tuhunsan yahay inuu qudha ka jaray baadariga ayaa la sheegay inuu yahay nin magangelyo doon ahaa oo u dhashay dalka Rwanda oo codsigiisii la diiday.

Waxa kale oo ay wararku tibaaxayaan in sidoo kale ninkaa la tuhunsan yahay lagu eedaynayo in qudhiisu ka masuul ahaa dab la qabadsiiyey sannadkii hore kaniisadda magaaladaa oo khasaare ballaadhan gaadhsiiyey kaniisadda.

Ninkaa eedaysanaha ah ayaa booliska isku dhiibay sida ay haatan wararka sheegayaan, waxaana magaalada dilku ka dhacay haatan gaadhay wasiirka arimaha gudaha Faransiiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor