Netanyahu oo caalamka ugu baaqay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa Iiraan

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa waxa uu wacad ku maray in “aanay jiri doonin xasuuq kale oo Yuhuudda loo gaysto” mar uu ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Qudus oo lagu xusayay 75 sano guuradii ka soo wareegatay xorraynta xeradii dhimashada ee Auschwitz.

Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale waxa uu beesha caalamka ugu baaqay “inay ku soo biiraan dedaalka muhiimka ah ee loogaga hortagayo Iiraan”.

“Weli maynaan arag go’aan midaysan oo cad oo ka dhan ah inta badan maamullada dunidan ka jira ee neceb Yuhuudda,” ayuu yiri.

Tobonnaan hogaamiyayaasha caalamka ah ayaa waxa ay ka qeybgaleen xafladdan ka dhacday xarunta xasuusta xasuuqii dhacay 75 sanadood ka hor ee Yad Vashem.

Goobtaas ayaa loogu talagalay in lagu kaydiyo xusuusta lix milyan oo qof oo Yuhuud ah oo qaab wadar ah uu ku dilay maamulkii Naziga iyo taageerayaashiisa intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Ku dhawaad hal milyan oo qof oo Yuhuud ah ayaa gaas lagu bilbilay, cunno loo diiday, shaqeynayayna ilaa ay ka dhinteen amaba ay dawooyin ku dileen khubaro caafimaad oo ku sugnaa xerada Auschwitz, taas oo uu haystay Nazigii gacanta ku hayay Poland.

Kulanka uu ka hadlay Netanyahu ayaa ah midka shanaad ee ugu dhacdooyinka diblumaasiyeed ee taariikhda Israa’iil.

In ka badan 40 marti sharaf ah ayaa xafladdaasi ka qeybgalay iyagoo halkaas dhigay xirmooyin ubax ah, oo uu ka mid ah yahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Amiirka Wales, kaas oo dhulka barakaysan ku tegay booqashadiisii ugu horraysay ee rasmi ah.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in dadka Yuhuuddu “ay casharro ka barteen xasuuqaasi – sidaas daraadeedna aynaan dhayalsan karin gooddiga ah in nala tirtiro; waana in aan halista ka hortagnaa inta ay yar tahay; taa waxaa ka sii wayn in aan si weyn uga mahadinayno gacanta ay ina siinayaan saaxiibadeen si aannu isu difaacno”.

Waxa uu ka digay in maanta ay Iiraan “si cad u doonayso inay horumariso hub nukliyeer ah oo ay baabi’iso dalka kaliya ee ay Yuhuuddu leedahay”.

“Israa’iil waxa ay qadarin u haysaa [Madaxweynaha Mareykanka Donald] Trum iyo kuxigeenkiisa Mike Pence kuwaas oo ka hortagay caburinta Tehraan, maamulkaas oo dadkiisa caburiya, halis ku ah nabadda iyo ammaanka guud ahaan caalamka,” ayuu ku daray.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dalalka inay ku soo biiraan dedaallada loogaga hortagayo Iiraan. Israa’iil waxa ay sameyn doontaa waxkasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo dadkeeda iyo mustaqbalka Yuhuudda.”

Iiraan ayaa si joogta ah waxa ay ugu baaqday in la baaba’iyo jiritaanka qaranka Israa’iil, hasayeeshee taasi ma ahan Yuhuud nacayb. Sidoo kale waxa ay diidday inay doonayso inay hub nukliyeer ah sameysanayso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media