Nabadsugidda Galmudug oo soo badbaadiyey Haweney Kenyan oo ay Burcad-baddeed afduub u haysteen

 Wararka saakayto naga soo gaaray Maamulka Galmudug ayaa waxay sheegayaan inay Ciiddan ka tirsan Nabadsugidda Galmudug qaadeen Hawlgal ay ku soo furteen Haweney Kenyan ah oo ay Burcad-baddeedu haysteen tan iyo sannadkii 2014-kii.

Hawlgalkaasi waxa uu ka dhacay Degaanka Camaara ee Gobalka Mudug.

Maamulka Galmudug weli ma aysan shaacinin magaca Gabadha Kenyanka ee la soo badbaadiyey, balse, Warbaahinta Kenya ayaa horey u shaaciyey in gabadhaasi lagu magacaabo Louis Njoki oo 41-jir ah.

Haweeneydaasi waxaa horey loola qafaashay Saaxiibkeeda, James Kuria, kaasi oo ay Ciiddanka Ammaanka Galmuddug Hawlgal ku soo furteen bishii Feberaayo ee sannadkan.

andrew-mwangura1Khabiir dhinaca Baddaha oo u dhashay dalka Kenya, laguna magacaabo Andrew Mwangura ayaa isbuucii hore sheegay inay 3 Kenyan ka mid yihiin 16 Badmaaxiin Shisheeyaha oo ay Burcad-baddeeda Soomaalida afduub ugu haystaan Degmadda Xarar-dheere, waa sida uu hadalka u dhigay.

Andrew Mwangura oo galaangal xooggan u leh La-xaajoodka Burcad-baddeedka ayaa u sheegay Wargeyska The Star inay Burcad-baddeeda dalbadeen Lacago Madax-furasho, si ay u sii daayaan La-haystayaasha Kenyanka.

Ma uusan sheegin Kharajka Rasmiga ee ay Burcad-baddeeda codsadeen si loo sii daayo Dadka Kenyanka ee afduubka loo haysto.

Dhinaca kale, Mwangura waxa uu tilmaamay  In Labada Kenyanka ee haatan ku jira Gacanta Burcad-baddeeda laga soo qafaashay Muqdisho, iyagoo u shaqeynayey Shirkad Dhismo.

Toddobaadkii hore, Kooxaha Burcad-baddeeda waxay sii daayeen 26 Badmaaxiin Shisheeye ah, kadib, markii la bixiyey Lacag madax-furasho  oo aan cadadeeda la sheegin.

badmaaxiin-la-sii-daayey

 ©Radio Dalsan

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor