Nabadoon lagu dilay degmada Balad-Xaawo

Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay weerareen degmada Bald-Xaawo ee Gobolka Gedo,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Mudo daqiiqado ah ayaa halkaasi waxa uu dagaal ku dhexmaray labada dhinac,iyada oo markii dambe ay degmada la wareegeen Al-Shabaab.

Waxaa soo baxaya haatan warar sheegaya in Al-Shabaab ay gowraceen Nabadoon Magaciisa lagu soo koobay Dhaqane,kaas oo Al-Shabaab ay gurigiisa ay ugu galeen.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay wateen laba Wiil uu uu dhalay Nabadoonka.

Wararkii u dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Balad-Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay dib uga baxeen degmadaas Balad-Xaawo,isla markaana ay kusoo laabteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media