Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Koooxo hubeysan ayaa lagusoo waramayaa in dil ka geysteen xaafadda Suuq bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dilkaan ayaa loo geystay allaha u naxariiste Nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Daa’uud iyo mid ka mid ah ilaaladiisa,sida dad goobjoogayaala ah ay dalsan u xaqiijiyeen.

Nabadoonka la dilay waxa uu ka mid ahaa Odayaashii soo xulay ergadii doiratay xildhibaanada baarlamaanka,waxaana dilka goobta uu ka dhacay gaaray ciidamo booliis ah.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in kooxihii dilka geystay ay goobta iskaga baxsadeen laamaha amniguna kama hadal dilka anabadoonkaan.

Comments
Loading...