Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Maanta waxa qeybo ka mid ah degamda Hodan ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Nabadoon Caanka ahaa degmadaas.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu dilay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan,  xilli uu ka soo baxay gurigiisa, waxaana toogtay rag hubaysan oo Bistoolado sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Cabdulle Jimcaale,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Dad aad u yaqaanay nabadoonka ayaa waxa ay inoo sheegeen in uu ka soo jeedo gobolka Hiiraan,waxana Goobta meydkiisa ka qaaday qaar ka mid ah eheladiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta gaaray,iyaga oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas,wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media