Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Kismaayo iyo maamulka Jubbaland oo ka hadlay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo Caawa gudaga Magaalada Kismaayo ee Caasimada dowlad Goboleedka Jubbaland ku dilay Nabadoon Caan ahaa.

Allaha u naxariistee Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Ibraahim Xasan,kaasi oo siweyn looga yaqaanay gudaha Magaalada Kismaayo,isla markaana waxaa dilkiiska ka hadlay maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo Al-Shabaab ay ku dileen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falkii lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media