Nabadoon Caan ah oo Caawa lagu dilay Baladweyne

Kooxo hubeysan ayaa Caawa fiidkii waxa ay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dileen Nabadoon Caanka ahaa Magaaladaas.

Nabadoonka ayaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley,waxana xilliga la dilayay uu ka soo baxay Masjidka Alhuda ee Xaafada Howl-wadaag Magalada Baladweyne oo uu Salaadii Cishaha ku soo dukaday.

Qof ku sugan Magalada Baladweyne ayaa Radio Dalsan u sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ay goobta ka baxsadeen,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Baladweyne.

Dilka Caawa Magalada Baladweyne loogu geystay Nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley ayaa waxa uu ka mid yahay dilalka inta badan loo geysto,Nabadoonada iyo Ciidamada oo ay mas’uuliyadiisa sheegtaan Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor