Kulanka ayaa Caawa lagu waday in lagu qabto Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho balse waxaa la sheegay in ay joojisay Nabad-Sugida Soomaaliya.
Siyaasiga ayaa War uu soo dhigay Baraha uu ku leeyahay Bulshada waxa uu ku sheegay in markii ay kulankaas isku diayariyeen Maamulka hotelka Saxafi uu ku wargeliyay in Nabad-Sugida ku amartay in kulankaas aan lagu qaban Karin hoteelkooda.
“Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas,Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas”
Sidoo kale waxa uu sheegay Siyaasiga in falkaan uu jebinayo Dastuurka dalka,isaga oo dhaliil u jeediyay Madaxda dalka.
“Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka”
Sikastaba weli wax war ah kama soo bixin dhankooda Madaxda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugida Qaranka Soomaaliya oo ay uga jawaabayaan eeda ugu timid Siyaasiga C/raxmaan cabdi Shakuur