Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay 11 kursi ee ugu horreeysa doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto degaanada Maamulkaas.
Guddiga ayaa Qoraal ay soo saareen ku shaaciyay Liiska 11-ka kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha Shacabka, waxaana saddex kamid ah kuraasta ku fadhiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee xilligan iyo labadii Guddoomiye ee ka horeeyay.
Kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP193 waxaa hore uga geeriyoodey Xil Maxamuud Maxamed Boonow, kursiga HOP041 waxaa ku fadhiyay Idiris Cabdi Dhakhtar, kursiga HOP042 waxaa ku fadhisay Hani Maxamed Aadan, kursiga HOP171 waxaa ku fadhiyay Iiman C/llaahi Cali, kursiga HOP154 ayaa waxaa ku fadhisay Sareedo Maxamed C/llaahi
Sidoo kale kuraasta HOP180 ayaa waxaa ku fadhiyay Daahir Cabdi C/llaahi, kursiga HOP171 waxaa ku fadhisay Fowziyo Maxamed Sheekh, kursiga HOP182 waxaa ku fadhiyey Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, kursiga HOP103 waxaa ku fadhiyey Maxamed Cusmaan Jawaari, kursiga HOP213 waxaa ku fadhiyey Yacquub Cali Axmed iyo kursiga HOP189 waxaa ku fadhiyey Sheekh Aadan Madoobe.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kuwaas oo dhawaan la qaban doono .
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ku boorrinayay Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaar garowga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan doorashada, si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan,daah-furan oo xalaal ah.